U bood dhigaalka

Shirkii Ka Socday Doolow Oo Lagu Heshiiyay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in heshiis lagu gaaray shir halkaasi uga soconayay madaxda maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiinta gobalka Gedo.

Shirkaan oo shalay si rasmi ah u furmay ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Fartaag oo ah madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, waxaana maanta si rasmi ah uga qeybgalay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Heshiiskaan ayaa waxaa wada gaaray madaxweyne Axmed Madoobe, ku xigeenkiisa Fartaag, Gudoomiyaha Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, siyaasi Maxamuud Sayid Aadan, Gudoomiyaha Ahlu-sunada Koonfureed Sheekh Aw-libaax, iyo xubno kale oo mihiim ah.

Waxa ay marka hore siyaasiyiintii diidanaa maamulka Jubbaland ay aqbaleen in ay maamulkaasi ka mid yihiin.

Sidoo kale waxaa la’isla gartay in laga wada qeybqaato doorashada dhawaan Kismaayo ka dhici doonta iyo ka shaqeynta ammaanka.

Dhinacaydaan ayaa isku fahmay in la dardar geliyo dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab, iyo sidoo kale in degdeg lagu gaaro gobalka Jubada Dhexe.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ahaa xubnaha aadka u diidan Jubbaland ayaa maanta qiray in heshiiskaasi raali ka yahay, islamarkaana Jubbaland ay ka tirsan yihiin.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa arrin aad u farxad ah ku tilmaamay inay heshiiyaan xubno muddo badan siyaasadda isaga soo horjeedeen, waxaana qorshehaasi uu ku tilmaamay inuu yahay mid muujinaya sida reer Jubbaland ay midnimada uga go’an tahay.

Hoos ka daawo sawirada

Heshiis8 Heshiis7 Heshiis6 Heshiis5 Heshiis4 Heshiis2 Heshiis1

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada