U bood dhigaalka

Sicir Barar Ba’an oo Laga Soo Sheegayo Degmada Xudur ee Bakool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imanaya degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka jiro sicir barar xili dadka ay ku jiraan bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Mas’uuliyiinta maamulka dowladda ee degmada ayaa Goobjoog u sheegey in halkii kilo ee waxyaabaha quutul daruuriga sida sokorta oo kale uu magaalada ka joogo hal doolar, taasi oo ah lacag aad oga badan waxa ay dadka awoodi karaan.

Guddoomiyaha arrimaha bulshada Xudur Mustafa Aadan Xuseen ayaa Goobjoog u sheegey in dhibaatada ay ugu sii darantahay dadka kusoo barokacay magaalada ee ka yimid tuulooyinka iyo magaalooyinka kale ee gobolka Bakool.

Balse waxa uu mas’uulkani sheegey in waxoogaa naruuro ah ay ka heleen ciidamada dowladda iyo kuwa nabad illaalinta Afrika oo soo waddo mariya haddii ay jiraan kolonyo baabuur ah oo maciishad ganacsi u wada magaalada Xudur.

Sicir bararka ayaa waxaa ugu wacan go’doomin iyo xayiraad ku raagtay magaalada Xudur oo ay saareen ururka Alshabaab oo kasoo horjeeda dowladda.

Goobjoog News