U bood dhigaalka

Sidee Shacabka Soomaaliyeed u Arkaan Go’aankii Golaha Shacabka Ka Qaatay DP World?

Sheeko:Dalka

Shacabka Soomaaliyeed qaarkood ayaa aragti ka dhiibtay sida ay u arkaan go’aankii uu golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dalka kaga eryey shirkadda DP World.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada B/weyne oo la hadlay Goobjoog News ayaa guul ku tilmaamay go’aankan, iyaga oo sheegay in muhiim ay tahay difaacista qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsannahay in baarlamaankeenna uu go’aankaan qaato, DP World kaliya ma ahane cid walbo oo nagu xadgudubta dalka halaga eryo” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka B/weyne.

Dhanka kale, shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa iyaguna dhankooda soo dhoweeyey go’aankii golaha shacabka, sheegayna inuu cashir u yahay kuwa isku dayaya in dalka ay qarannimadiisa waxyeeleeyaan.

Mowliid Jaamac Salaad: Go’aankan wuxuu ahaa mid wanaagsan oo cashar u dhigaya kuwa dalka kusoo duulay, fariinna u diraya beesha caalamka oo ah in dalkaan leeyahay baarlamaan go’aan leh.

Geeddi Xirsi Jaamac: Go’aankii baarlamaanka Federaalka aad baan usoo dhoweyneynaa, haddii aanu nahay shacabka waxaan shirkadda DP World u aragnaa mid dalka kusoo duushay, waana ku faraxsannahay.

March 12, 2018, xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar dalka looga saarayo shirkadda DP World .

Goobjoog News