U bood dhigaalka

Siilaanyo Oo Magacaabay Guddiga Raadinta Aqoonsiga Caalamka Ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa magacaabay guddi ka kooban 17 xubnood kuwaasi oo uu sheegay inay ka shaqeyn doonaan raadinta aqoonsi buuxda oo ay caalamka ka hesho Somaliland.

Guddigan ayuu sheegay inuu ka howlgali doono sidii uu caalamka ictiraaf (aqoonsi) uga keeni lahaa, isaga oo rajo ka muujiyay in xubnaha ay howshooda u gudan doonaan sidii loogu tala galay.

Hadaba wareegtada Siilaanyo soo saaray ayaa sidaan u qorneyd:-

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Dowladda Federaalka) (Road Map).

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah Guddoomiye
2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
3. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia
4. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
5. Wakiilka Wareega ee Somaliland Mudane, Raabi Axmed Mohamed
6. Wakiilka Somaliland ee Turkiga Mudane, Cali Axmed Cismaan
7. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Marwo, Edna Aadan Ismaaciil
8. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Prof. Maxamed Siciid Gees
9. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
12. Professor, Macalester College, Minnesota Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
13. Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax
14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
15. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida Mudane, Axmed Daahir Jirde
17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

 

Somaliland ayaa sheegta in aysan ka tirsaneyn Soomaaliya, waxaana ay in badan raadinayeen sidii ay ku heli lahaayeen aqoonsi dhanka beesha caalamka ah wallow weli aanay helin wax aqoonsi ah.

Goobjoog News
Mawduucyada:Gobollada