U bood dhigaalka

Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan Oo Dhaliilay Dowladda Kenya

Sheeko:Dalka

Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan oo mar soo noqday xildhibaan ayaa dhaliilay dowladda Kenya, oo uu sheegay in dhibaato ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay bur burin ka bilaabeen deegaano ka mid ah gobalkaasi, gaar ahaan degmada Baladxaawo.

Meelo aan ahayn xuduudooda ayuu sheegay in ay kasoo tallaabeen, islamarkaana ay doonayaan in darbi ay ka dhistaan.

“Kenyanka waan kala hadalnay arintaasi, maxaa yeelay degmadii Baladxaawo dhexdeeda ayeey burburiyeen oo ay rabaan darbi in ay ka dhistaan, gacanta ayaa la’iskula tagay, waxaana ugu dambeyn ay joojiyeen howshii ay wadeen wada hadal ayaana bilawday” ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay degdeg kusoo fara geliso howsha ay dowladda Kenya ka wado degmada Baladxaawo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kenya ayaa horay u sheegtay in xadka ay Soomaaliya la wadaagto ka dhisan doonto Darbi dher si ay amnigeeda wax uga qabato.

Goobjoog News