Siyaasiyiin Iyo Aqoonyahanno Xil Raadis Ah Oo Buuxdhaafiyay Jowhar

Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ku qulqulayey siyaasiyiin iyo sidoo kale aqoonyhanno xil doon ah, maadaama ay soo dhow dahay magacaabista golaha wasiirada ee maamulka Hirshabelle.

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Shabellaha Dhexe Cismaan Cabdalla Cismaan ayaa soo sheegaya in mashquul aad u badan laga dareemayo degmada Jowhar.

Siyaasiyiinta iyo sidoo kale aqoonyahannada gaaray degmadaasi ayaa bilaabay la kulanka xildhibaannada Hirshabelle iyo sidoo kale waxgaradka ku sugan magaalada Jowhar.

Shaqsi walba waxa uu qalqaalo ugu jiraa sidii uu uga soo dhex muuqan lahaa golaha wasiirada cusub ee maamulka Hirshabelle.

Dhammaadka bishan, waxaa madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali  Cabdullaahi Cosoble laga sugayaa inuu soo magacaabo golahiisa wasiirada.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW