U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Miisaan Ku lahaa Xisbiga Kulmiye oo Maanta Ku Biiray Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani

Sheeko:Dalka

Siyaasiyiinta isbahaygsiga isbedel doonka ah ee horey uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqday xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, kadib kulamo is afgarad ku dhamaaday oo 2 Cisho uga socday magaalada Hargeysa.

Kulamadan Labada maalmood qaatay oo dhex maray hoggaanka xisbiga Waddani iyo siyaasiyiinta isbedel doonka ah ee xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa gabagabadii kulamada socday lagu sheegay iney ku qanceen siyaasadda xisbiga Waddani sidaas darteedna ay ku biireen Xisbiga.

Siyaasiyiinta isbedel doonka ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yonis, Xirsi Xaaji Xasan wasiirkii hore ee madaxtooyada, Xuseen Axmed Caydiid wasiirkii hore ee cadaaladda, Cabdirisaaq Khaliif Axmed wasiirkii hore ee Howlaha guud, iyo waliba xubno siyaasiyiin kale oo qaarkood xukuumadda Kulmiye ka soo noqdeen wasiirro aan dhicin inta badan muddo xileedka xukuumadda Siilaanyo oo hadda gabaabsi ah.

Xuseen Axmed Caydiid oo hore iskaga casilay xilka wasiirka cadaaladda Somaliland hadana af-hayeen u ah siyaasiyiintan ayaa waxa uu sheegay in kulamo maalma socday ka dib ay ku qanceen siyaasada xisbiga Waddani, sidaas darteedna ay ka mid yihiin xisbiga waqtigan laga bilaabo, waxaanuu yiri; “Anaga oo ah siyaasiyiintii hore Kulmiye uga tirsanaa waxaanu maanta laga bilaabo nahay xisbiga Waddani dadka codka u raadinaya ee jecel inuu talada dalka qabto “.

Dhinaca xisbiga Waddani ee ay siyaasiyiintu heshiiska la galeen  oo uu u hadlay xog-hayaha warfaafinta ee Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay iney xisgiga iyo taageerayaashiiba ay guul siyaasadeed u tahay maanta, isagoo xubnahan ku soo biiray  ku tilmaamay kuwo awood shacabka ku dhex leh siyaasadana wax badna ka fahamsan .

Maalinka Axada ee todobaadka  soo socda ayaa la qaban doonaa shirweyne lagu soo dhaweynayo siyaasiyiintan cusub ee xisbiga Waddani ku soo biiray, iyadoo sidoo kale halkaasi laga shaacin doono xilalka ay ka qaban doonana xisiga  Waddani.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada