U bood dhigaalka

Somaliland Ayaa ka Mamnuucday Deegaannadeeda In Ay ka Shaqeeyaan Telefishinnada SBS Iyo Somnews

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa ka mamnuucday in ay ka howlgalaan deegaannadeeda Telefishinnada SBS iyo Somnews

Qoraal ay baahisay wakaaladda wararka ee SOLNA oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa lagu yidhi.

“Waxa caddaan ah in labada telefishan  ee kala ah SBS TV & SOMNEWS TV ay ku kaceen falal olole siyaasadeed iyo dagaal borobagaande cad oo ay ku hayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland”.

Somaliland ayaa sheegtay in Telefishinnadan ay ku kaceen falal ka soo horjeeda anshaxa saxaafadda islamarkaasna waxaa tilmaantay inay baahinayeen warar la xiriira kicinta colaadaha.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada