Somaliland: Dacwad Heer Caalami Ah Ayaan La Tiigsan Doonaa General Guulwade .

Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in ay dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade u gudbin doonto dowladdaha Caalamiga ah ee uu ka haysto dhalashooyinka, ka dib eedeymo ay u soo jeediyeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha maamulka Somaliland Yurub Abiib Cabdi oo warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay in Generaal Guulwade ay dacwad uga gudbin doonaan dalalka uu dhalashooyinka ka haysto, iyadoona carabaawday hadalkii uu dhawaan ka dhawaajiyay Guulwade ee ku aadanaa maamulkooda.

“ka xukuumad ahaan Guulwade waan daba gali doonaa meel uu ku badbaadayo maanta ma jirto isaga ayaa isku cadeeyay inuu dadkii laayay xasuuqaasina uu sax ahaa” ayey tiri wasiir ku- xigeenka wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha mamulka Somaliland.

General Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade ayaa 22-kii bishaan shaaciyay inuu iska casilay xubinimadii Guddiga wada xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoona Xukuumadda Soomaaliya ay iscasilaadaasi ka aqabashay.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa 17-dii Julay 2019-kii magacaabay Guddi ka shaqeynaya wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dhawr jeer uu ku fashilmay wadahadaladaasi Madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW