U bood dhigaalka

Somaliland: Faysal Cali Waraabe Umaan Dirsan Brussels, Waana La Isku Noqonayaa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay shirkii Soomaalida ee dhowaan kusoo dhammaaday magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Waxa uu sheegay in dhankooda aanay wax shaqo ah ku lahayn shirkaasi, islamarkaana u arkeyn inuu yahay shir si gaar ah loogu qabanayey Soomaalida, maadaama iyagu ay sheegaan in Soomaaliya ay ka madaxbannaan yihiin.

Waxa uu tilmaamay Biixi in Caalamka ay u sheegeen in shaqo aanay ku lahayn shirkaasi, islaamrkaana wixii Somaliland la siinayo si toos ah iyaga loo soo marsiiyo.

Sidoo kale, Biixi ayaa tilmaamay in aanay ka warhayn qorshihii Faysal Cali Waraabe ku tagay Brussels, islamarkaana arrintaasi dib la iska wareysan doono.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada