U bood dhigaalka

Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Aadanaha

Sheeko:Dalka

Golaha wakiillada ee baarlamaanka Somaliland ayaa maanta ansixiyay guddidag xuquuqul aadanaha oo ka kooban 7 xubnood, kuwaas oo uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ururada u doodda xuquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa  horay u sheegay in ay ka waalacsan yihiin qaabka loo soo xulay guddigan.

Ururada ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu dib ugu noqdo qaabka uu usoo xulay xubnahan guddida xuquuqul aadanaha ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa guddigan horay u magacaabay 3 July waxaana maanta ansixiyay golaha wakiillada Somaliland.

Guddigan ayaa shaqadiisu tahay la socodka arrimaha la xiriira xaquuqul Insaanka iyaga oo baaritaanno iyo kormeer ku sameyn doona xadgudubyada ka dhanka ah xaquuqul Insaanka.

Goobjoog News