U bood dhigaalka

Somaliland: Lacago Malaayiin Doollar Ah Oo La Lunsaday Sanadkii 2017

Sheeko:Dalka

Guddiga Ilaalinta iyo dabagalka Hantida ee golaha wakiillada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta sheegay in shakhsiyaad iyo masuuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Somaliland ay lunsadeen hanti iyo lacago kala duwan.

Guddida oo warbixin dheer ka hor akhriyay golaha wakiillada ayaa sheegay in sannadkii 2017-kii shakhsiyaadka hantida iyo lacagaha lunsaday ay ka mid ahaayeen dad masuuliyiin ka ahaa xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo, iyagoo xusay wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan).

Guddoomiyaha guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida ee golaha wakiillada Somaliland Naasir Cali Shire ayaa sheegay in lacago badan oo ka baxay Khasnadda dawladdu ay ku baxeen meelo aan loo baahnayn isla markaana la lunsaday inta badan lacagahaasi.

Wuxuu xusay in lacag dayn ah oo gaadhaysa 1.6 Milyan oo doollar ay qaateen shakhsiyaadkaasi ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Somaliland, iyadoo lacagaha qaar ay ku baxeen Telefoonno iyo shidaallo dheeraad ah oo la isticmaalay.

7.5 Milyan oo doollar ayaa ku baxay dhismayaal la sheegay in la dhisay sannadkii 2017-kii hase ahaatee guddiga waxuu sheegay in waxaa ay soo arkeen iyo dhaqaalaha baxay ay aad u kala fog yihiin.

Goobaha uu guddiga soo arakay ee ay walaaca ka muujiyeen dhaqaalihii la sheegay in uu ku baxay ayaa waxaa kamid ahaa:

Roogga cagaaran ee la dhigay garoonka kubadda cagta ee magaalada Laascaanood kaasi oo la sheegay in ay ku baxday lacag dhan 182-kun oo doollar.

Dhismaha Jeelka wayn ee Burco oo ay ku baxayso 1.5 Milyan oo doollar, iyadoo weli uu socdo dhismaha jeelku.

Dhismaha wasaaradda hawlaha guud ee magaalada Burco, waxaa ku baxday lacag dhan 175-kun oo doollar (Uma dhiganto lacagtaasi meesha aanu soo aragnay ayuu yidhi guddoomiyaha guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Naasir Cali Shire).

Dhismaha dugsiga xirfadlayaasha magaalada Buuhoodle waxaa ku baxday 20-kun oo doollar, laakiin ma jiro dugsigaasi oo lama dhisin.

Dhismaha wasaaradda maaliyadda ee gobolka Awdal waxaa ku baxday 70-kun oo doollar.

88,800 oo doollar  oo loogu talo galay roogga cagaaran ee garoonka kubadda cagta ee Burco oo aan weli la dhisin.

Dhulka Lineka Booliska magaalada Hargeysa oo uu iibiyay wasiirkii hore wasaaradda Hawlaha Guud Cali Xasan Marreexaan ayaa waxaa laga iibiyay shirkadda Dahabshiil waxaana laga siiyay 920-kun oo doollar hase ahaatee waxaa la lunsaday 380-kun oo doollar oo kamid ah lacagtaasi.

Waasaaradda xannaanada xoolaha oo iibsatay Shaybaadh (Lab) balse la waayay.

194-kun oo doollar ayaa la siiyay dhismaha garoonka kubadda Cagta ee Shulaac oo magaalada Hargeysa laga dhisayo.

Ugu dambeyntii, Guddiga Ilaalinta iyo dabagalka Hantida ee golaha wakiillada Somaliland ayaa Xeer ilaaliyaha guud ugu baaqay in uu baaris iyo dabagal ku sameeyo hantidaasi ay sheegeen in la lunsaday.

Goobjoog News