U bood dhigaalka

Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Dhaarisay 31 Wasiir

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa maanta dhaariyay 31 xubnood oo kamid ah golaha wasiirada Somaliland ee 32-ka xubnood ka kooban.

Xubinta ka maqneyd dhaarta golaha wasiirada ee aan la dhaarin ayaa ahaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Dhaarta maanta la dhaariyay xubnaha golaha wasiirada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Dhinaca kale, dhaarta maanta la dhaariyay golaha wasiirada Somaliland ayaa waxay noqonaysaa tii Labaad ee la dhaariyo tan iyo markii la magacaabay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isagu horay u dhaariyay golahan si ay sirta qaranka iyo ta golaha u ilaaliyaan 16-kii bishii December ee sanadkii hore 2017 – sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somalland.

Dastuurka Somaliland qodobkiisa 129-aad ayaa dhigaya in qof kasta oo xil qabta ay ku waajibtay dhaartani ka hor inta aanu xilkiisu bilaabmin.

Khaalid Foodhaadhi
Goobjoog News
Hargeysa, Somaliland