U bood dhigaalka

Somaliland: Mucaaridka iyo Muxaafidka oo ku Kala Fog Doorashada Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Sida uu qorshuhu yahay Somaliland waxaa ka dhacaysa sannadka soo socda ee 2019ka doorashada baarlamaanka iyo degaanka taasi oo ku muddaysan 27ka bisha March.

Hase ahaatee qabsoomidda doorashooyinkan oo horay walaac looga muujiyay ayaa waxaa haddana ka taagan muran la xidhiidha guddida doorashooyinka oo xisbiyada mucaaridka ah iyo ka muxaafidka ahi ku kala fog yihiin in ay doorashada soo socota maamulaan.

Xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa soo jeediyay in guddida doorashooyinka lagu kordhiyo laba xubnood oo dhinacooda ka socda ama la kala diro, halka muxaafidku ay ku doodayaan in aan la kordhin karin guddida lana kala diri karin.

Axmed Cabdi Dheere guddoomiye ku xigeenka xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Doorasho xilligeedii ku dhacda ama haddii la kordhinayo lagu daro bil iyo laba.

Labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani oo iyaguna shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dib u dhac ku iman karo doorashada.

Axmed Cabdi Abyan, musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID ayaa yidhi; “kollay habsan ayaa imanaya iyo dib u dhac laakiin inay baaqdaan arrintaasi waa arrin musiibo ku ah waddanka iyo dadka”

Xarunta daraasaadka siyaasadda CPA ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa horay walaac uga muujisay dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka barlamaanka iyo degaanka ee Somaliland.

Goobjoog News