U bood dhigaalka

Somaliland: Mudaharaad Ay Dad Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Degmada Wajaale

Sheeko:Dalka

Iska hor imaad dhex maray ciidamada Booliska ee magaalada Wajaale iyo dad shacab ah oo laga rarayey  dhul ay ku ganacsanayeen; ayey ku dhinteen Labo ruux,  halka qof kalena uu soo gaaray dhaawac culus oo xaaladdiisa laga dayrinayo.

Labadan  ruux ee geeriyootay iyo midka dhaawaca ahiba waxay ka mid ahaayeen  dadka ku ganacsada suuqa ciidamada Boolisku ku sheegeen inuu yahay dhul ay  dawladda hoose leedahay isla markaana bilic ahaan la rabo in la banneeyo.

Ka dib dhacdadan  waxyeellada sababtay ay dhacday dadweynaha Wajaale ayaa sameeyey isku soo baxyo ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan tallaabadan maamulka magaaladu uu qaaday,  waxayna suuqa ku dhex mareen socod iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ay kaga soo horjeedaan maamulka .

Guddoomiyaha Gabiley;  Maxamed Cali Axmed oo ay hoos timaaddo Wajaale ayaa sheegay iney ka xun yihiin falka dhimashada keenay ee magaalada ka dhacay isaga oo eedeyn u soo jeediyay dadka dhulka ku ganacsanaayey oo uu sheegay iney ka dhago adaygeen amarro kala duwan oo ka soo baxay maamulka magaalada kaasi oo lagu faraayo iney dhulka banneeyaan.

Dadka laga raray dhulkii ay ku ganacsanayeen ayaa waxay ku cabanayaan ineysan haysanin meel kale oo ay noloshooda ka maareeyaan, waxayna aad uga dhiidhiyeen qaabkii loola dhaqmay oo ay ku tilmaameen mid naxariis darro ah, waxayna xukuumadda ka codsadeen in la siiyo dhul ay ku ganacsadaan, haddiiba kan hadda laga rarayo.

Dawladaha hoose ee Somaliland inta badan waqtiyada hawlgallad dhul banaynta  ay samaynayaan, waxa ka dhasha buuq xilliyada qaar isku bedela dhibaato sidan tan hadda Wajaale oo kale, waxaana arrintaasi loo aaneeyaa iyada oo aaney marka hore jirin qorshe kala xadaynaya dhulka dawladda iyo goobaha ganacsiga.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada