U bood dhigaalka

Somaliland: Muuse Biixi Oo Joojiyay Cashuur Dhaafka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo Cashuur dhaafka loo sameeyo shirkadaha ganacsiga iyo dadka ajaanibta ah

Haddaba halkan hoose ka akhriso qodobada la xiriira Cashuur dhaafka oo uu Madaxweynaha ka soo saaray Wareegtada waxaa ayna kala yihiin:

  1. In Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumaddu aanay u samayn karin cashuur-dhaaf aan sharci ahayn alaabooyinka sifo ganacsi dalka loo keeno iyo ajaanibta dalka u imanaya ama ka haya hawlo macaash doon ah.
  2. In habka cashuur dhaafka alaabooyinka la soo dejiyo iyo cashuuraha kale ee barriga loo raaco sida ay dhigayaan Qodobbada 145-aad, 136-aad iyo 163-aad ee Xeerka Kastamada Somaliland, Xeer Lr. 73/2016, iyo Qodobbada 6aad, 46aad iyo 72aad ee Xeerka Cashuuraha Barriga, Xeer Lr. 72/2016, iyo heshiisyada shirkadaha maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland qayb ka tahay.
  3. In shirkadaha ganacsiga ee loo samaynayo cashuur-dhaafka kastamka si sharciga waafaqsan, laga soo xareeyo cashuuraha kale ee barriga ee ku waajibay, sida: cashuurta dakhliga (Income Tax), cashuurta iibka, (Sales Tax), cashuurta macaashka (Profit Tax) iwm, si waafaqsan cutubyada 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeerka Cashuuraha Barriga, Xeer Lr. 72/2016. Sidoo kale, Hayadaha qaramada midoobay, kuwa caalamiga iyo kuwa maxaliga ah in laga soo xereeyo cashuuraha barriga ee ku waajibay, marka laga reebo kuwa sharcigu ka dhaafay.
  4. In Wasaaradda Horumarinta Maamliyaddu iyadoo la kaashanaysa hayadaha kale ee dawladda, ay diyaariso habraacyada iyo xeer-nidaamiyayaasha lagu faah-faahinayo, laguna hirgasho qodobbada iyo ujeedooyinka Xeerka Kastamada iyo Xeerka Cashuuraha Barriga, oo ay ku jirto cashuur-dhaafyada kala duwan ee xeerarka dalku dhigayaan, si waafaqsan Qodobada 51aad, 52aad, 208aad iyo 246aad ee Xeerka Cashuuraha Barriga Xeer Lr. 72/2016, iyo Qodobada 18aad, 36aad iyo 206-aad ee Xeerka Kastamada Somaliland. Xeer Lr. 73/2016.
  5. In la sii wado dhiiri-gelinta wershadleyda dalka marka ay bilaabayaan dhismaha warshadaha, lana siiyo cashuur-dhaaf wixii agab ah: sida mishiinnada iyo qalabka-dayac-tirka, waxase sharci ah in ay ka sitaan Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska qoraal caddaynaya nooca wershadda ay la soo dagayaan, tirada qalabka dayac-tirka iyo dammaanad muujinaysa muddada ay ku kicinayaan wershadda.
  6. In wershada raasamaalkeeda lacageed ku bilaabmo ugu yaraan $250,000 (Laba Boqol iyo Konton Kun oo doolar), kana hawl-galaan ugu yaraan 30 shaqaale ah, laga dhaafo Cashuurta Soo-dejinta (Custom Import Duty).
  7. In alaabta cayriinka (Raw Material) ee wershadaha loo sameeyo cashuur-dhaaf saddexda sanno ee ugu horreeya. Wixii ka dambeeya muddadaa saddexda sanno ah waxa ku waajibaysa cashuur alaabta cayriinka ee wershadaha. Waxa reebban in alaabta cayriinta ee wershaddu ku heshay cashuur-dhaaf loo iib geeyo suuqa. Sidoo kale, waa siyaasadda dawladda in la dhiiri-galiyo isticmaalka khayraadka iyo alaabta dalka gudihiisa laga heli karo, si looga maarmo in la soo dejiyo alaab cayriin ah.
  8. In Cashuuraha Berrigu ay ku shaqeeyaan Xeerka ay hore ugu dhaqan-galeen ee Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga, Xeer Lr. 72/2016. Sidaa darteed, go’aankan laga soo saaray cashuur-dhaafka warshaduhu ma khuseeyo cashuuraha berriga.
  9. In wasaaradaha iyo hayadaha xukuumaddu si mug leh uga qayb-qaataan ilaalinta iyo soo uruurinta cashuuraha, kana gacan siiyaan Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waajibaadkeeda la xiriira kobcinta dakhliga.

Goobjoog News