Somaliland oo Amar Ka Soo Saartay Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka Howlgala Maamulkeeda

Wasiirka arrimaha shaqada ee Somaliland Cumar Maxamed Nuur ayaa sheegay iney soo saartay wasaaradiisu amar dhammaan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa banaanba ee maxalliga ah ku farayaan in shaqaalaha ajaanibta ah ee dibadda laga keeno isla markaana ay xirfadooda leeyihiin kuwa dalka joogaa aan la qaadan Karin.

Wasiirka oo hadal ka jeediyey munaasbad ay ku qallin-jabiyeen arday shaqaalaha dawlada ka tirsan, ayaa sheegay in shaqo la’aanta laga cawdo ee dalka ka jirta ay kaw ka tahay in shaqadii dadka muwaadiniinta ahi ay qaban lahaayeen ay gacanta ugu jirto ajaanib dalal shisheeye laga keenay.

Wasiirku waxa uu sheegay in tiro ka badan 5000 oo shaqaale ajaanib ahi iney ka shaqeeyaan gudaha Somaliland; kuwaasi oo badankoodu ka xirfad yar kuwa Soomaalida ah oo shaqo la’aantu hayso, ”Waxaanu idin sheegayaa in aanu soo saarnay amar diidaya in shaqale ajaanib ah oo laga maarmi karo  ay muwaadiniintii shaqada ku ciriiryaan,  maanta dalkii shaqo la’aan ayaa haysata  shirkadihii iyo hay’adihiina waxay soo  gelinayaan dalka shaqaale aan tayo lahayn kaliya lagu soo xulanaayo waa ajaanib”, Ayuu yiri Wasiir Cumar.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintani ay kaalin weyn ka qaadan doonto kor u kaca nolosha bulshada ku dhaqan Somaliland, isla markaana ay muujin doonto xaqa qofka muwaadinka ahi uu ku leeyahay deegaankiisa,  waxaanu sheegay in amarkaasi oo taabanayo qof kasta oo ajaanib ah shaqaalaysiiya isla markaana laga hubin doono sababta uu ku doortay .

Somaliland  waxa u diiwaangashan 15,000 oo shaqaale dawladeed ah  halka tiro intaasi ka badan ay  yihiin shaqaale madax banaan balse sannad kasta waxa soo baxa arday iyo dad dhammaystay xirfadaha kala duwan oo ka badan kuwii shaqeynayay kuwaasi oo shaqo la’aani haleesho.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW