U bood dhigaalka

Somaliland Oo Cambaareysay Go’aankii Baarlamaanka Federaalku Ku Eryey Shirkadda DP World

Sheeko:Dalka

Golaha wakiilada Somaliland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa waxay ku cambaareeyeen go’aankii shalay ee baarlamaanka federaalka Soomaaaliya dalka kaga eryey shirkadda DP World.

Goluhu wuxuu sheegay in falkaasi yahay gardarro cad, isla markaana dowladda federaalka Soomaaliya faragelin qaawan ku hayso deegaannada Somaliland.

“Wuxuu golaha wakiilladu si buuxda u cambaareynayaa go’aankii gardarrada iyo sharcidarrada ahaa ee Golaha Shacabka ee dowladda Soomaaliya ka soo saaray dekadda Berbera, sidoo kale, wuxuu Goluhu si xooggan u cambaareynayaa faragelinta qaawan ee ay dowladda Soomaaliya ku hayso madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland.

Sidoo kale, Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inay si buuxda u ayideen maaalgashiga kheyraadka dabiiciga ah.

“Goluhu isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, wuxuu si buuxda u ayidayaa maalgashiga khayraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, si loo xaqiijiyo kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurista iyo nolosha bulshada guud ahaan” ayaa sidoo kale qoraalkan lagu yiri.

Baarlamaanka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in cid walba oo dowladda Federaalka ku taageerta go’aannadan ay gaartay u arkayaan in dhankooda uu cadow ku yahay.

Ugu dambeyn, waxay xildhibaannada Somaliland u sheegeen beesha caalamka in dowladda federaalka Soomaaliya dhaqdhaqaaqyada ay waddo keeni karaan xasilooni darro cusub.

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay Sabtidii ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay dalka kaga eryeen shirkadda DP World oo heshiis la gashay Somaliland, lana wareegtay dekadaha Berbera iyo tan Boosaaso ee maamul gobolleedka Puntland.

Goobjoog News