U bood dhigaalka

Somaliland oo diiwaangelinta codbixiyayaasha bilaabaysa dhamaadka Sanadka 2022

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in dhammaadkan bishaan ay billaaban doonto diwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada, iyadoo ay weli taagan tahay khilaaf u dhexeeya xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada kale ee UCID iyo WADANI oo ku saabsan dib u dhaca doorashada iyo muda kororsiga loo sameeyay xukuumada madaxweyne Biixi.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in diwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada ay bilaaban doonto 28-ka bisha December ee sanadka 2022-ka, balse lama sheegin xilliga la soo gabagabeyn doono.

Mudda xileedka madaxweynaha Somaliland ayaa ku ekaa bishii ina dhaaftay ee November waxaana dib u dhaca uu ku yimid doorashada madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee, golaha guurtida ayaa mudda kororsi laba sano ah u sameeyay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ay si wayn uga soo horjeesteen xisbiyada Mucaaradka .

Somaliland ayaa qabatay sanadkaan doorashooyinka baarlamaanka iyo golaha deegaanka May 2021 ka dib dhowr jeer oo dib u dhac uu ku yimid  tan iyo markii baarlamaanka markaas la doortay 2005.

Goobjoog News