U bood dhigaalka

Somaliland oo lacag ugu deeqday dadka abaaraha saameeyeen

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa walaac ka muujiyay abaarta baahsan ee sababtay in kumannaan qof ay la’aan yihiin cunto iyo biyo, taasoo ah arrin aan horay loo arag muddo sanado ah.

Maalintii Arbacada ahayd ayaa guddiga gurmadka abaaraha Somaliland waxa ay ku dhawaaqeen in ay ugu deeqeen lacag dhan 2 milyan oo doolar si wax loogu qabto dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ayaa sidoo kale sheegay in Isbitaalo kala duwan ay u jiifaan dad badan oo isugu jira dad waaweyn iyo caruur kuwaasi oo lagu daweynayo nafaqo darro.

Waxa kale oo ay guddidu caddeeyeen in deeqdan lacageed oo dhan $2,000,000 ay ugu talo-galeen in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, balse ay xukuumaddu intii karaankeeda ah ay ka caawin doonto dadka abaaruhu saameeyeen.

Goobjoog News