U bood dhigaalka

Somaliland Oo Rajo ka Qabta Dhaqaalaha Shirkii Brussels

Sheeko:Dalka

Wasiika arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxaa uu sheegay in dhaqaalaha lagu yaboohay shirkii Brussels ay rajaynayaan in saamigooda heli doonaan.

“Waxaan ka rajaynaynaa wixii markii horeba la siin jiray ee saamiga Somaliland ahaa in sidiisii loo siiyo waayo ma jirto sabab looga yareeyo ama looga jaro ama loo badalo” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire oo Goobjoog News waydiisay rajada ay ka qabaan dhaqaalihii lagu yaboohay shirkii Brussels.

Sacad Cali Shire oo waraysi siiyay Goobjoog News ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dhismaha dekedda Berbera oo ay hadda gacanta ku hayso shirkadda DP World dhismaheedana la bilaabi doono bisha October ee sannadkan.

Wasiir Sacad waxaa kale oo uu beeniyay in uu booqasho ku tagay wadamada São Tomé and Príncipe iyo Cape Verde kuwaasi oo ku qornaa buuggii wax-qabadka afartii bilood ee ugu horreeyay xukuumadda madaxweyne Biixi.

Goobjoog News