U bood dhigaalka

Somaliland Oo Sheegtay In Il Dheer Ay Ku Eegeyso Saldhigga Turkiga Ka Furtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa sheegay iney il gaar ah ku eegayaan saldhigga Milatari ee dhowaan dowladda Turkiga ka furatay magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga maamulka Somaliland Xaaji Cali Cadami oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha deegaannada maamulkaasi ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay doonayaan in mar walbo ay la socdaan dhaq dhaqaaqa saldhiggaasi.

Wuxuu sheegay in cid walbo ay xaq u leedahay ineyu yeerato cidda ay taageerada ka heleyso, sameysatana waxa ay dhaqaale ku heleyso, balse muhiim ay tahay iney la socdaan dhaq dhaqaaqa saldhiggan.

“Iswaydiinta ugu wayni  waxay tahay Soomaaliya  ma inay dalkooda ku aslaaxiyaan oo ay nabadgelyadooda ku dhistaan ayay u samaysteen  saldhigan, mise Somaliland  ayay u  hub urursanayaan. Sidaas awgeed,  innagoo aan cidna cadaw ku ahayn haddana is dhigan mayno oo waxa qayrkeen haysto waa in aynu helnaa.”

“Soomaaliya iyaga   duco kama filayno innagoo aan xumaan la doonayn ayaynaan haddana  faro madhnaanayn oo dhismaha ciidankeenna oo meel fiican marayana waan sii xoojinaynaa,  saldhiga Millatari ee Berberana hawshiisa degdeg ayaan u gudo gelayna,”ayuu yiri wasiirka.

Todobaadkii aynu kasoo gudubnay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah waxay xarigga uga jartay saldhig Milatari oo ay ka furteen Muqdisho.

Goobjoog News