Somaliland: Shaqo Joojin Lagu Sameeyey Xildhibaan Tagey Puntland

Golaha guurtida ee Somaliland ayaa waxay shaqo joojin ku sameeyeen xildhibaan ka qeybgalay munaasabad dhaqan oo ka dhacday magaalada Carmo ee gobolka Bari.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golahan, Saciid Jaamac Cali ayaa warbaahinta u sheegay iney shaqadii ka joojiyeen xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, kadib markii uu ku xadgudbay xeerka u yaallay golahan.

Xildhibaankan ayaa Carmo uga qeybgalay munaasabad lagu caleemo saarayey Suldaanka Beel daaje, iyadoo arrinta kaliya lagu haysatana ay tahay in uu tago deegaan uu ka arrimoyo maamulka Puntland isaga oo xildhibaan Somaliland ah.

Maalin ka hor ayeey ahayd markii xabsiga Hargeysa laga sii daayey Boqor Buurmadow oo isaguna ka mid ahaa waxgaradkii lagu casuumay caleemo saarkan.

Somaliland ayaa xabsiga dhigta dadka magaca leh ee kasoo jeeda deegaannadeeda haddii ay tagaan qeybo ka mid ah dhulalka aanay iyaga maamulin ee Soomaaliya.

Goobjoog News