U bood dhigaalka

Somaliland: Soomaaliya Inta Aanay Ka Hadal Midnimada Ha Mideyso Degmooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa ka jawaabtey hadal shalay ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in dowladdu aanay waxba kala socon heshiiskii dekadda Berbera ee Somaliland, Itoobiya iyo DP World.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aanay waxba ka quseyn heshiiskii ay la galeen DP world ee dekadda Berbera, isla markaana ay u madax-bannaan yihiin in cidda ay doonaan ay heshiis la galaan.

Sidoo kale, Wasiir C/raxmaan ayaa tilmaamay in uu jiray heshiis December, 2014 ay ku galeen Jabuuti madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo dhigayey in aan la siyaasadayn mashaariicda iyo heshiisyada horumarineed.

“Waxaanu madaxda dowladda Federaalka xasuusineynaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay kuna dhaqanto dastuurkeeda, kaasi oo dadkeedu 97% u codeeyeen rubuc qarnina lagu soo dhaqmayey….Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay bishii December ee 2014 magaalada Jabuuti ku heshiiyeen inaan la siyaasadeyn heshiisyada iyo mashaariicda lagu hormarinayo gobollada geeska Africa, inaanu heshiiskaan ahayn mid cusub ee uu yahay dhammeystirka heshiikii August 2016 ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo DP World wada galeen, baarlamaankana uu ansixiyey, inkastoo aan Somaliland la aqoonsan, haddana lama diidi karo xaqiiqada jirta ee ah in adduunweynuhu uu ka warqabo in dadka reer Somaliland ay dowladnimadoodii lasoo noqdeen” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Ugu dambeyn Wasiir C/raxmaan ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “riyada midnimada Soomaaliyeed inta aanu ka hadal waxaa ka habboon inuu mideeyo degmooyinka magaalada Muqdisho ee aanu maamulin, waxaan fileynaa in dowladaha Geeska Africa soo dhoweeyaan heshiiskaasi horumarineed oo waxtar weyn u leh dadweynaha iyo dowladaha intaba”

Goobjoog News