U bood dhigaalka

Somaliland: Waddani Iyo Guddiga Doorashada Oo Is Afgarad Gaaray

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Musharraxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa waxay  si wada jir ah warbaahinta ugu sheegeen in is afgarad ka gaadheen khilaaf horey usoo kala dhex galay.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in waraaqaha xisbiga Waddani ay heleen ay lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland isla markaana aanay ahayn kuwo been-abuur ah oo lagu codeeyay.

Dhinaca kale, Musharrax Cirro ayaa sheegay in wada-shaqayntii kala dhaxaysay Guddida doorashada ay bilaabeen isla markaana waraaqaha ay heleen ay ahaayeen kuwo ay leeyihiin guddida doorashada Somaliland.

Ugu dambeyntii, Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa horay u sheegay in ay hakiyeen wada shaqayntii kala dhaxaysay guddida doorashooyinka Somaliland kaddib markii ay soo bandhigeen waraaqo ay ku sheegeen kuwo been abuur ah oo ay tilmaameen in lagu codeeyay doorashada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada