U bood dhigaalka

Somaliland: Xildhibaan Meel Uga Dhacay 18-ka May Oo Xabsiga Laga Sii-daayey

Sheeko:Dalka, War

Somaliland ayaa xabsiga ka sii deysay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo  muddo ka badan bil ku xirnaa Magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa la xiray kadib markii uu  maalinta 18-ka May ee ay Somaaliland u calaamadeysay gooni-isu-taaggeeda uu ku sheegay in ay tahay maalin ay leeyihiin beelo gaar ah halka Somaliland looga aqoonsanyahay maalin xuriyad.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Beelaha Somaliland aysan u dhameyn maalinta 18-ka May, isaga oo intaasi raaciyey in aanu ka qeyb galeyn.

Xildhibaanka Dhakool ayaa dhowr jeer laga  dalbaday mudadii uu xirnaa inuu raali galin ka bixiyo hadlkiisa, lakiin Dhakool ayaa iska dhaga tiray haladka loo soo jeedioyay.

Wararka  la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in sii deynta Xildhibaan Dhakool ay timid kadib markii beesha uu ka soo jeedo ay raaligelin ka bixisay hadlkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool uu ku sheegay in maalinta 18-ka May ay tahay maalin ay leeyihiin beelo gaar ah aysan aheyn maalin qaran,

Goobjoog News