U bood dhigaalka

Somaliland: Xoolo Farabadan oo Ku L’aday Roobab Xoog leh oo Ka Da’ay Deegaanka Dallow

Sheeko:Dalka

Roobab dabaylo wata oo shalay ka da’ay deegaanka Dallow  oo ka mid ah deegaanada hoos taga Berbera,  ayaa halkaasi ku laayey xoolo ari u badan oo lagu qiyaasay ugu yaraan illaa 1500 oo neef oo dadka deegaanku dhaqanayeen.

Odayaasha deegaanka oo la hadlay warbaahin ku booqatay deegaanka roobku helay ayaa waxay sheegeen in roobku soconaayey saacado dhawr ah iyo xoolaha oo la itaal darnaa abaar dabo dheeraatay oo hore halkaas ugu taagneyd, taas oo sababtay  dhimashada xoolahan faraha badan.

Maxamed Axmed  oo ka tirsan odayaasha deegaanka oo faah-faahinayey dhibaatada roobku u gaystay dadka deegaanka ayaa yiri ” Aniga 50 neef ayaa iga dhintay waana arigii aan haystay intiisii badnayd, roobka ayaa laayey runtii waana dhibaato nasoo food saaartay inkasta oo qadar Alle dhacday hadana waxaanu ku noolnahay waa xoolahaasi hadda waxaanu filaynaa in noloshayadii ay isbedeli doonto si ay noqotaba “.

Xoolaha dhintay ayaa wali daadsan deegaanka  oo ah buuralay, iyadoo roobku wali ka da’ayo meelo kale oo ka tirsan deegaanka Dallow halkaasi oo ay dadka deegaanku ka cabsi qabaan in tirada ka dhimatay ay sii kordhi karto .

Caasho Cali oo iyaduna deegaanka daggan ayaa waxay ka warrantay siday xooluhu u dhinteen iyada oo sheegtay in uu roobku watay dabaylo xooggan iyo qabaw saa’id ah kaasi oo ay xoolihii ku jiray xerooyinkoodii oo ay halkaa ku nafwaayeen, “Aniga  waxa ii xaraysnaa xoolaha oo markii aan arkay roobka soo socda ayana xerada geliyey balse markii uu qaaday waxaan arkay iyada oo badi arigii uu dhintay  waana arrin aan ka naxay runtii” ayey tiri Caasho.

Dadka kale ee deegaanka ah waxay sheegayaan in tiro geel ah oo aan badnayn in sidoo kale roobku uu halkaasi ku dilay, waxayna dadka deegaanku qorshaynayaa iney raadiyaan goobo dhaxanta ka celin kara ariga si loo badbaadiyo, madaama uu wali curashadii roobku socoto lagana cabsi qabo in khasaaruhu uu intaa ka sii kordho .

Goobjoog News