U bood dhigaalka

Soo Laba Kacleynta TPLF iyo Qabsashada Deegaanno Cusub!

Sheeko:Dalka

Ururka TPLF ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaallo ku soo qaadeen deegaanno ka tirsan gobalka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Afhayeenka gobalka canfarta ee Itoobiya Axmed Kaloyta ayaa sheegay in dagaal ka dhacay gobalka ay jabhadda TPLF ku qabsatay saddex degmo oo ka tirsan gobalka.

TPLF ayaa dhawaan aqbashay xabad joojin, kadib dagaal sanad iyo bil qaatay oo ay la gashay ciidama ka amar qaata dowladda Itoobiya.

Deegaanada ay jabhadda la wareegtay ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ku teedsan xadka gobalka canfarta uu la wadaago gobalka Tigrayga.

Getachew Reda oo ah afhayeenka kooxda TPLF ayaa  horay u sheegay in ciidamada Tigraygu ay ka baxayaan Axmaarada iyo Canfarta.

“Waxaan go’aansannay inaan ka baxno deegaannadaas oo aan u gudubno Tigray-ga. Waxaan rabnaa inaan furno albaabka gargaarka bini’aadantinimo,” ayuu yiri Getachew.

“Ma danaynayno inaan la wareegno gobolka Canfarta,  Annagu ma danaynayno in aan gorgortan adag la galno Addis Ababa, Waxa aannu danaynaynaa oo keliya in aannu hubinno in go’doominta naxariis darada ah ee lagu hayo dadkeenna in ay jabto” ayuu yiri afhayeenka TPLF.

Goobjoog News