U bood dhigaalka

Sool: Dad Ka Badan 100 Qof Oo Uu Soo Ritey Cudurka Shuban Biyoodka

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in dad ka badan 100 qof oo uu Todobaad gudahiisa uu soo ritey cudurka shuban biyoodka, iyadoo ay jiraan dad cudurkaasi u dhintay.

Guddiga gurmada abaaraha ee gobolka Sool ayaa sheegay in haddii aan xaaladdan caafimaad darro wax laga qaban laga yaabo in dad badan oo caafimaad qabo uu waxyeelleeyo cudurkaasi.

Sheekh Axmed Maxamed Saleebaan oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay in cudurkaan uu aad uga dilaacay degmooyinka Buuhoodle, Taleex iyo Xudun, isaga oo ku baaqay in gurmad loo soo fidiyo dadkaan si wax loogu qabto.

“Isbitaallada waa ay buux dhaafiyeen, cudurka shuban biyoodka baa dadkii faro kulul ku haya, haddii aan wax laga qabnnay dhibaatadu waa ay sii badaneysaa, waxaana cid walbo oo arrimaha caafimaadka ka gurmata ugu baaqeynaa in deegaannada gobolka Sool loo soo gurmado” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in isbitaallada qaar ee gobolka Sool aanay yaallin dawooyin wax looga qabto dadka uu cudurkaan soo rito.

Goobjoog News