U bood dhigaalka

Sool: Maamulka Iyo Guddiga Abaaraha Oo Ka Hadlaya Heerka Abaaraha

Sheeko:Dalka

Iyadoo ay sii adkaanayso xaalada abareed ee ka jira gobolka Sool ayaa gudiga abaaraha Iyo Badha-saabka gobolka Sool Cabdi khayre Dirir ayaa baaq-qaylo  dhaan ah u diray maamulka Somaliland inay u soo gurmadaan.

Kulan-kan qeylo dhaanta ah  ayaa lagu qabtay xafiiska badhasaabka waxaa ugu horayn halkaasi kahadlay gudoomiyaha gudida abaaraha Sh. Axmed Maxamed Saleban.

“Abaartu xaaladeyda waa ay sii cuslaatay, bisha Janaayo  ayaan mareynaa,  waa diraac bartankeeda  ilaahy raxmadiisa way furan tahy,  waqtigii roobka lafilan jiray maahan,  dadkii hadda markay ku adkaatay meelihii howdka ahaa biyihii booyadaha lagu shubi  jiray ayn noqdeen waxyar  waxay iskugu soo arooreen, meelaha  bariga magaalada Laascaanood  iyo galbeedka magaalada Laascaanood  ceelasha dulka leh ayay hareerahooda ay soo dageen  iyagoo xoolahooda ay iskugu jiraan kuwo xoolihii ka dhamaaday  qaar 400 neef  lahaan jiray oo hadda u hartay 2 neef  oo ay hor tubanyihiin  miday iibsadaan iyo mid ay caano kamaalaan midna majiro”.

Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay mayarta degmada Laascanod Cismaan Saleeban Jaamac waxa uu isna baaq udiray bulshada Gobolka Sool isagoona ugu baaqay in la isugurmado.

Ugu danbayn Badhasaab-ka Gobolka Sool ayaa baaq Qaylo-Dhaan ah u diray xukuumada Somaliland  oo  ugu baaqay in ay si deg deg ah dadkan ugu soo Gurmadaan xaaladuna ay tahay mid adag aana la eegan karin.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada