U bood dhigaalka

Soomaali loo heysto wax isdabamarin ka dhacday Mareykanka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda cadaaladda Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay waxaa lagu sheegay in ay jiraan dad loo heysto eedooyin musumaamuq lacageed, oo tiradooda ayaagaaraysa 48 qof, oo ay ku jirto  Soomaali ,iyadoo lagu eedeeyay lunsadeen 250 milyan oo dollar oo oo  loogu talagalay quudinta carruurta ay dhaleen dadka danyara ah intii lagu jiray caabuqa COVID-19.

Warbixinta ayaa lagu sheegtay in lacagtaan la lunsaday ay tahay mid  dawladda Federalka ee Maraykanku, ay barnaamijyada quudinta ee xiligii uu xanuunka COVID-19 ay bixisay, kaas oo halka ugu daran marayay waqtigii xanuunka uu ka dilaacay gudaha Mareykan, xilligaas oo hey’addo badan ay ka shaqeynayeen la taacaalidda xanuunka oo ay ku jiraan kuwa NGO.

Garyaqaan Amiin Haaruun oo ka hawlgala gobolka Minnesota oo wareysi siinayay laanta VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in dadka lasoo eedeeyay marka laga reebo sedex qof oo kale ay yihiin Soomaali, waxaana uu sheegay in ay gudbiyeen xogo aan sax aheyn, iyaga oo ka been sheegay in ay quudiyeen caruurta,warqada ay gudbiyeena ay ahaayeen kuwa ay soo diyaariyeen.

“Waxaa jiray barnaamij loogu talo galay caruurta, danyarta ah in lagu quudiyo, gaar ahaan waqtiyada ay schoolka fasaxa ay ka yihiin, markii xanuunka COVID-19 uu dhacay oo caruurta ay guryaha ay joogeen, ayaa waxaa la ballaariyay Program-ka, waxaa loo ogolaaday in ay hey’ado aan ka shaqeyn jirin aan aheyn sida NGO-yada, ay ka shaqeeyaan, sida maqaayadaha iyo dukaannada ay toos uga shaqeyn karaan, si ilmaha maadaama ay guryaha fadhiyaan loo gaarsiiyo cuntada” ayuu yiri.

“Dadkaan runtii Soomaali ayey u badan yihiin,  waa nasiib darro, waa ay jiraan dad aan Soomaali aheyd, inta badan marka sedex, ama afar qof laga reebo waa Soomaali, ilaa hadda eed ayey taagan tahay howshu, markii eeda lagu soo roggay waa in 48 saac gudahood waa in maxkamad lagu soo taagaa, kii xabsi ku sii jiraya iyo kii bannaanka ku maqan, laba wiil oo horey Passord-ka horey looga qaaday, iyo wiil baxsad ahaa ayaa xiran ” ayuu yiri siiraaciyay hadalkiisa Garyaqaan Aamiin Haaruun.

Hadalka kasoo baxay wasaaradda cadaaladda Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay gudaha dalkaas ay ka socdaan baaritaanno la xiriira kiisas lagu lunsaday lacago, xilligii dalkaas uu sida ba’an uga jiray xanuunka COVID-19, arrintaan ayaa hadal heyn badan ka dhalisay Soomaalida degan dalka Mareyka, waxaana eedaan loo heystaa 48 qof, oo ay ku jirto 44 Soomaali ah, iyadoo lagu eedeeyay in ay  lunsadeen 250 milyan oo dollar oo oo  loogu talagalay carruurta danta yar.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada