U bood dhigaalka

Soomaaliya Maxaay Ka Dhaxashay Shir-madaxeedka Dalalka Safka Hore?

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka madaxeedka dalalka deriska la ah Soomaaliya ee loo yaqaano dalalka safka hore.

Soomaaliya ayaa shirkaan ka dhashay qodobo iyo arrimo aad u muhiim ah, waxaana sidoo kale ay Soomaaliya shirkaan u noqonaya mid ay si wadajir ah dalalka deriska ah ay ugala qayb qaataan dagaalka ka ah ururka alshabaab.

Hadaba maxaa kamid ah qodobada ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkaan?

1: Dalalka gobalka ee ka qayba galay shirkaan waxa ay hoosta ka xariiqeen xushmeeyntooda ku aaddan qarannimada, midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

2: Soomaaliya in ay martigeliso dhammaan madaxda dalalka dariska la ah waxa ay muuqaal wanaagsan ka bixineysa soo kabashada dalkeenna iyo dowladnimadeenna.

3: Shirkaan waxa uu indhaha caalamka ku soo jeediyay hawl-gallada xoreeynta deegaannada ay khawaarijtu ku dhibaateeyn jireen dadkeenna.

4: Soomaaliya waxay xaqiijisay taageerada ciidan ee dalalka dariska ah, iyadoo la isla qaatay in la qaado hawl-gallo mideysan oo waqtiyeysan.

5: Dalalka gobalku waxa ay taageereen qorshaha qaran ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in lagala dulqaado cuna-qabateynta hubka dhammaadka sanadkan 2023.

6: Qorshaha hirgelinta nidaam amni oo wadajir ah oo lagu adkeynayo amniga soohdimaha dalalka Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, taas oo soo afjaraysa dhaqdhaqaaq argagixsada ee gobalka.

7: Dhiira-gelinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo bulshada deegaannada xoroobay.

Qodobadaan ayaa ah kuwa ugu mudan ee shirka ka soo baxay intii uu socday.

Goobjoog News