U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirka Horumarinta Caafimaadka Afrika

Sheeko:Caalamka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federalka Soomaaliya Dr; Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir looga hadlayay  horumarinta Caafimaadka Afrika , waxaana qeyb ka ahaa wadamo ku yaalla qaaradda, iayadoo looga hadlay cudurro dhowr ah dhibaato ku haya bulshada Afrika.

Shirkan oo uu hal ku dhiggiisu ahaa “Horumari caafimaadka, horumari Umadda” ayaa waxaa soo qaban qaabisay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo kahortagga cudurrada (Africa CDC) oo ah hay’ad farsamo oo ka tirsan Ururka midowga Afrika, taasoo oo  ka caawisa dowladaha xubnaha ka ah Ururka dedaallada ay ku aqoonsanayaan, ku qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka ee bulshada,  iyagoo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta iyo siyaasadooda.

Shirkan oo ahaa mid miro dhal ah ayay xubnaha gudiyada ka kala socday wadamo kala duwan oo Afrika ah kaga hadleen waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Ururka Afrika ee CDC, caqabadaha hortaagan guddiga fulinta qorshayaashooda iyo ugu dambayntii, heerka hoggaamineed ee guddiyada heer Wasaaradeed, kuwaas oo kala socday wadamada qaaradda Afrika.

Goobjoog News