U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Ka Qeybgaleysa Shir Muhiim Ah Oo Ka Dhacaya Madrid

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa ka qaybgalaysa Shir weynaha Isbedelka Cimilada ee kasocda Magaalada Madrid, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 10,000 oo qof oo ka kala socda 193 dowladood iyo aqoonyahano iyo xeel dheerayaal ka socda qaramada midoobay iyo ururada caalamiga, waxaana shirka furay Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay.

Wafdiga Soomaaliya ku matalaya Shir weynahaan waxaa hogaaminaya Agaasimha Guud ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Axmed Yuusuf Axmed.

Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah khubaro ku xeeldheer Deegaanka oo kala ah Dr. Ali Daud Mohamed iyo Dr. Ali Abdullahi Warsame.

Inta shirku uu socdo Somaaliya waxa ay ka soo jeedin doontaa shirweynaha warbixino ku saabsan xaaladaha Deegaanka iyo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay Soomaaliya la yeelan doontaa kulamo gaar gaar ah hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan Deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka Cimilada.