U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Kahortimid Qaraarka Masar Ee Libya iyo Biyo-xireenka, Taageertana Turkiga iyo Itoobiya

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa saacadihii tagay waxaa ay qaadatay labo go’aan oo ku tusinaya isbadalka xiriirka arrimaha dibadda. ee muddo soojiray.

Muqdisho waxaa ay kahortimid qodobbo ku jiray qaraarro ka dhan ah Turkiga iyo Itoobiya oo ay wadatay Masar kuwaas oo ku saabsanaa Libya iyo Biyo-xireenka Nile-ka ee Itoobiya.

Jaamacadda Carabta waxaa ka soo baxay qaraarro ay Masar garwadeen ka aheyd oo midka hore looga hadlay xaaladda Libya.

Qaraarka xoogga lagu saaray xaaladda Libiya, waxaa uu ku taliyey in arrimaha dalkaasi xal siyaasadeed loo raadiyo, lana dhowro madaxbannaanida iyo midnimada Libya isla markaana la diido faragelinta shisheeye.

Qaraarkan oo ka koobnaa 14 qodob ayaa la sheegayaa in dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Tunis ay ka horyimaadeen qaar ka mid ah qodobada. Soomaaliya waxaa ay iska diiday qodobada 7-aad, 8-aad iyo 11-aad , qodobbadan ayaa kala ahaa:

Qodobka (7aad). In la diidayo faragelinta shisheeye ee Libya. (8aad). In hawgallada military la joojiyo, xal siyaasi ah la gaaro,  oo la wadahadalo, qaramada midoobeyna ay hoggaamiso iyo (11-aad).  iney Libya ka baxaan calooshood u shaqeysteyaasha, arrintaas ay xil iska saran qaramada midoobey iyo beesha caalamka.

Dhanka kale waxaa jiray qaraar kale, oo Masar ay jaamacadda Carabta keentay oo khuseeyey Nile iyo biyo-xireenka ay Itoobiya dhiseyso, sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ka hortimid qodob kale.

Qaraar ka soo baxay golaha jaamacadda carabta, kaba koobnaa 9 qodob ayaa lagu sheegay in amniga biyaha ee dalalka Masar iyo Suudaan uu qeyb ka yahay “amniga qaran” ee dalalka Carabta iyada oo Itoobiya looga digay iney bilowdo buuxinta biyo-xireenka.

Qaraarkan waxaa isku raacay golaha Carabta oo dhan, laakin dalalka Soomaaliya iyo Djibouti ayaa iska diiday qodobka 5-aad ee qaraarka kaas oo ah

Qodobka 5aad:  In dalalka ay ka fogaadaan iney qaadaan talaabo hal dhinac ah, oo ay ku jirto in Itoobiya ay ka fogaato buuxinta biyo-xireenka iyada oo aan heshiis la gaarin dalalka uu webiga biyaha ku shubo, arrintaas oo ka horimaaneysa heshiiskii  lagu saxiixay Khurtoum March 13, 2015.

Goobjoog News