U bood dhigaalka

Soomaaliya oo ku guulaysatay darajada sareysa ee Hawada

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaysatay in hawada dalka ay kamid noqoto kuwa ugu wanaagsan ee guud ahaan caalamka oo dhan.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada marwa Fardowsa Cismaan ayaa sheegtay in hawada Soomaaliya ay noqotay mid qaadata darajada (Classic A).

“Sharaf ayay ii tahay inan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qaranka la wadaago guusha weyn ee taariikhiga ah ee hawada Soomaaliya oo caawa saacado marka ay tahay 12:00 saqda dhexe ah 26ka Janaayo 2023 , si rasmi ugu wareegi doonta heerka ugu sarreeya ee Darajada (Class A)”, ayay tiri marwa Fardowsa.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in ay darajadaan ay wax badan ka tari doonto hawada Soomaaliya oo kamid ah kuwa ugu mashquulka badan gobalka.
“Waa dhacdo weyn oo wax ka tiri doonta badqabka Hawada iyo amniga marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka iyo caalamka. Sidoo kale , wuxuu hannaankan gacan ka geysan doonaa korarka Dhaqaalaha ee dalkeenna,” ayay tiri marwa Fardowsa.
Wasiir Fardowsa aya ugu danbeyn tiri “Waxaa u mahadcelinayaa hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’adeenna Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay, 30 sanno kaddib dalkeenna uu la soo wareegay maamulka Hawada . Waxaan kale u mahadceliyaa hay’adaha iyo ururrada caalamiga ee wada shaqeynta iyo iskaashiga wadaaga ah ee aan ku gaarnay darajadan, kuwaa oo ay ugu horreeyaan ICAO iyo IATA,”.
May be an image of map and text
Goobjoog News