U bood dhigaalka

Soomaaliya oo sare u qaadday hanaankeeda amniga!

Sheeko:Dalka

Sanadkii dhamaaday ee 2022-ka waxaa caalamka ka dhacay dagaallo iyo rabshado aad u fara badan, kuwaas oo qalqal geliyay hanaankii nolasha dadka adduunka.

Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (EPI) ayaa soo saaray liiska wadamada ugu amniga fiican iyo kuwa amnigoodu uu hooseeyay sanadkii tagay 2022-ka.

dalal badan ayaa sanadkaan ka soo muuqday liiska kaalmaha hore kuwaas oo sanadihii hore ay ka jireen colaado, halka kuwa amni haystayna ay hoos uga dhaceen kaalintooda.

Wadamada ugu amniga fiican ayaa loo diiwaangeliyay in ay yihiin tobanka kaalin ee ugu horeysa dalalka kala a;

Iceland, New Zealand, Ireland, Denmark, Austria, Portugal, Slovenia, Czech Republic, Singapore iyo Japan, ayaa loo aqoonsaday in ay yihiin tobanka dal ee ugu amniga sareeya caalamka.

Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (EPI) ayaa sidoo kale sheegay liiska tobanka kaalin ee ugu horeysa dalalka uu amnigoodu aad u hooseyo ee aan la isku halayn karin.

Dalalka Sudan,  Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Soomaaliya,  Ciraaq, DRC, Suudaanta Koonfureed, Ruushka, Suuriya, Yemen iyo Afghanistan, ayaa noqday kuwa ugu amniga hooseeya caalamka.

Liiskaan ayaa waxaa si lama filaan ah uga soo muuqday dalka Ruushka kaas oo ka soo hoos maray dalalka Soomaaliya,  Ciraaq, DRC, Suudaanta Koonfureed, Ruushka, Suuriya iyo Yemen, kadib dagaalkii uu ku qaaday Ukraine.

Sanadkii 2021, Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta 158-aad iyadoo shan dal ay ka hoosaysay, kuwan oo kala ahaa dalalka Ciraaq, Koonfurta Suudaan, Suuriya, Yemen iyo Afghanistan.

Goobjoog News