U bood dhigaalka

Stadium Muqdisho Oo Lagu Sameeyay Qiimeyn Ah In Lagu Qaban Kari Tartamo Caalimi Ah

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa heer gabo gabo ah maray dib u dhiska qeybta kubbadda cagta garoonka Stadium Muqdisho oo ay Dowladda Soomaaliya ciidama Amisom kala wareegtay bishii August 2018,waxaana labadii sano la soo dhaafay da’daal wanaagsan lagu bixiyay dib u soo celinta iyo qiimihii uu lahaa Stadium Muqdisho waxaana mashruuca horomarka garoonka Dowladda ka taageeray Midowga Yurub iyo Norway.

Waxaa dhawaan la dhameeyay xeritaanka Saacadii waynad ee garoonka,iyadoo lagu xirey mid casri ah oo (Digital ah),dhawaan waxaa Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Xiriirka caalamka ee FIFA.

si ay qiimeeyn horomarka laga gaaray dib u dayactirka garoonka kubbadda cagta ee Muqdisho Stadium iyo in lagu qaban karo ciyaaraha caalamka iyo in Soomaaliya ay ku ciyaarto gurigeeda.

si kastaba xubnaha ka socda FIFA ayaa ku laabandoona wadamadii ay ka yimaadeen ka dibna waxa ay soo saari-doonaan warbixin ku saabsan haanka loo diyaariyay Stadium Muqdisho,waxaana qiimeynta ay soo saaridoonaan macquul ah in tartamada dibada lagu dheeli-doono Muqdisho Stadium iyo inkale.