U bood dhigaalka

Suldaan Cabdulqaadir: Dowladda Weerar Ayay Ku Heysaa Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, waxaana jira qorshe wadahadal lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan maamulkaasi.

Wax garadka iyo siyaasiyiinta Galmudug ayaa doonaya in xal laga gaaro khilaafka hareeyay madaxda Maamul goboleedka Galmudug, Muqdisho waxaa yimid madaxweyne Ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Dhanka kale Madaxda ka tirsan Galmudug oo ku sugan magaalada Dhuuso-mareeb ayaa doonaya in khilaafka lagu dhameeyo Magaaladaas taas oo ah caasimadda Galmudug, waxaa ayna diideen Muqdisho iyaga oo tilaamay inay soo faro galineyso dowladda Soomaaliya.

Haddaba side xal loogu heli karaa Khilaafka ka dhex taagan Madaxda ugu sarreysa Maamulka Galmudug Suldaan Cabdulqaadir Cali Faarax ayaa ka hadlaya waxaa uuna yiri.

“Ma Fiicna in maalin walba lagu jiro Khilaaf iyo dagaal dowladda waxaa waajib ku ah in dadka maslaxaddooda ay ka shaqeyso, inay iyadu weerarka bilowdo ma ahan Maamullada weerar ay ku heysaa waxaan leeyahay dowladda waxa laga rabaa dib u heshiisiin ee yaysan qaadin weerarada”.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa soo bilowday tan iyo markii la wada gaaray heshiiskii ahlu-sunna iyo Galmudug kaasi oo ka dhacay dalka Djibouti

Goobjoog News