U bood dhigaalka

Sweden oo Turkiga ka qaadday xayiraad ay horay u saartay

Sheeko:Dalka

Dowladda Sweden  ayaa sheegtay in ay qaadday xayiraaddii dhinaca hubka ah ee ay horay u saartay dowladda Turkiga, xilli aysan wax hub ah aysan ka iibin muddo sanado ah.

ISP oo ah wakaaladda dowladda Sweden u qaabilsan arrimha miiteriga ee dibadda, ayaa sheegtay in ay laashay go’aankii horay Turkiga looga xayiray in wax hub ah ay ka iibiso Sweden.

Go’aankaan ayaa yimid kadib markii NATO ay Sweden u gudbisatay codsi ku aaddan in ay ku soo biirto gaashaanbuurtaas militeri.

Turkiga ayaa ku xujeeyay Sweden in ay ka qaaddo xayiraadda ay dhanka hubka ah ee ay saartay, si ay ugu soo biirto gaashaanbuurta NATO.

Sanadkii 2019-ki dowladaha Sweden iyo Finland ayaa xayiraad dhoofinta hubka ah ku soo rogay Ankara, waxaana hadda labadaan dowladooda ay doonayaan in ay ku soo biiraan gaashaanbuurta NATO, kadib dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Goobjoog News