U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Maxamed Daahir Afrax

Sheeko:War

Maxamed Daahir Afrax oo ah aqoonyahan  iyo qoraa Soomaaliyeed  ayaa 4-tii June 2015 lagu badalay booskii ay banneysay  Marwo Caasho Geelle -ka ee guddiga Madaxa banaan  ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka.

Maxamed Daahir Afrax Waa Qoraa caan ah oo bulshada Soomaaliyeed si fiican u taqaano, Waxaa uu qoray bugaag iyo sheekooyin sida Maana-faay, Waxaa uu muddo dheer ka shaqeeyay hor-umarinrinta Afka Soomaaliga iyo isku xirka Bulshada ku hadashada afka Soomaaliga ee degan Geeska Afrika.

Waa aqoon yahay hesyta PhD, Qoraa iyo Bare aad loogu yaqaano cilmiga afafka, waxaa uu Madax ka ahaa hay’ado badan oo daryeela Qoraalka Afka Soomaaliga.

2000-shirkii Carte waxaa uu ahaa Dadkii dajiyay qorshada Shirka, Lataliyaha Madaxweynaha Djabuti iyo wakiilka xogheyaha Qaramada Midoobey isagoo shirka ka dib ka mid noqday Baaralamaanka iyo goloha Wasiirada.

2006-dii, Waxaa uu u bandhigay Madaxweynaha Djabuti Cismaaciil Cumar Geelle in dalka Djabuti  u dabaaldago maalinta Afka hooyo 21 February.

Waxaa kaloo uu ka mid ahaa dadkii ku taliyay in Djabuti xarun ka dhigtaan hay’ado London xaruntooda aheyd sida: Naadiga Pen ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed uu Mudane Afrax ku aasaasay markii hore Magaalada London.

2011: Xoghaye Guud u noqdo guddi ay magaalada Jigjiga ee dalka Ethiopia ay ku magacaabeen Ururka Midowga Afrika, Qeybta Horumarinta Luqadaha Qaaradda Afrika.

2012-kii shir ay Djabuti isugu yimaadeen Madaxda iyo aqoonyahada bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha ee geeska Afrika, Waxaa lagu dhisay Akadeemiya-Goboleedda Af-Soomaliga, Mr. Afrax ayaa Gudoomiye looga dhigay.

Waxaa uu sidoo kale Tifaftire ka ahaa Wargeys xiliyeedka”Hal Abuur” ee dhaqanka iyo Suugaanta oo ku soo baxa Afafka Ingiriiska iyo Soomaaliga.

Waxaa uu qoray Buugaag Caan ah, waxaa ka mid ah, Mid Masraxa ka sheekeynaya iyo Buugaag kale oo lagu daabacay Afka Ingiriiska.

Waxaa uu sidoo kale qoray Buugaag Siyaasadda ka hadla sida Dal dad waayey iyo Duni Damiir Beeshay

Sooyaalka Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka:

July 3, 2013: Kulanka 2aad, 144 cod ayuu ku meelmaray ansixinta sharciga guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka.

May 29, 2014: Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa lagu meel mariyay Xubnaha Guddi ay soo gudbisay Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Guddigan ayaa ayaa ahaa gudiga madax banaan ee dib-u-eegista dastuurka. Dood iyo falaqayn dheer ka dib waxaa goluhu isku raacay magacaabidda gudigaan oo ka kooban shan xubnood oo kala ah.
1. Marwo Caasho Geele Diiriye-Gudoomiye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji

June 18, 2014: Kulanka 39aad ee kalfadhiga afaraad ayaa cod loo qaaday Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka , 234 cod ayaa lagu meel mariyay golahan.

May 6, 2015: Marwo Caasho Geele Diiriye   ayaa iska casishay xilka gudoomiyaha guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta iyadoo ku sababeysay

June 4, 2015: Golaha Wasiirada ayaa Qoraaga Maxamed Daahir Afrax u magaacay guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka