U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Baladweyne Oo Ammar Kusoo Rogay Ganacsatada Iyo Gaadiidleyda Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ammar kusoo rogay ganacsatada iyo gaadiidleyda ka howlgasha magaaladaasi.

Taliyaha saldhigga Booliiska Baladweyne Korneel Cali Dhuux Mahad Alle ayaa sheegay in ganacsatada yar yar ay kaga digayaan inay ku ganacsadaan hareeraha wadooyinka oo uu sheegay in wax badan ay u dhintay bilicdii magaalada.

Waxa uu sheegay in ganacsatadaasi looga baahan yahay inay ka kacaan hareeraha Laamiyada, islamarkaana la geyn doono meel u gaar ah cid walba oo laamiga dhinaciisa ku ganacsata.

“Ma ogolaan doonno laamiga dhinaciisa in wax lagu iibiyo, in la dego meeshii shacabka mari lahaa oo bilicda magaalada la dhumiyo, meel idiin gaar ah baan idin geynaynaa, waxaan rabnaa inaad nagu soo dhaweysaan wax walba oo aan idiin wadno waayo wanaagiina ayaan wadnaa, nagala shaqeeya amniga iyo kala dambeynta magaalada Baladweyne” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale Taliye Cali Dhuux Mahad Alle ayaa u sheegay gaadiidleyda Baladweyne in iyaguna loo sameynayo meello u gaar ah oo gaadiidka laga rarto, ayna dhamaatay wadooyinka dhexdiisa oo ay ka raran jireen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ammarkaan kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska ee magaalada Baladweyne ayaa ah mid maanta dhaqan galkiisu uu billaabanayo sida taliyaha uu sheegay.

Hareeraha wadooyinka Baladweyne waxaa ku ganacsada ganacsatada Shaaha, Khaatka, Caanaha iyo kuwo kale.

Goobjoog News