U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Degmada Dhoobley Oo Ka Qeybqaadanaya Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Dalka

Taliska Boliiska Degmada Dhoobleey ee Gobalka Jubbada hoose ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo loogu gurmanayo dadka Abaaruhu ay ku haystaan degaanno dhowr ah oo degmadaas hoostaga.

Heybe Axmed Cabdullaahi, Taliyaha booliiska degmadaasi ayaa sheegay in Ciidanka boliiska iyo kuwa Kenya ee ku sugan degmadaas ay qeyb ka yihiin Caawinta dadka Abaaruhu ay saameyeen, isagoo dhinaca kale sheegay in ammanka degmada dhoobleey uu hadda yahay mid wanaagsan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Dhoobley ay ka qaadeen lacago dadka abaarta hayso loogu gurmanayey.l

“Annaga waxaan wadnaa dedaallo, waxaan sameynay dhammaan ganacsatada deegaanka ayaan ka qaadnay lacag oo loogu gurmanayo dadka baahan, waxaan sameennay sida AMISOM oo kale nagala qeybqaata, shidaallo bay bixiyeen oo booyadaha lagu shubayo, waxaa hadda socota dedaallbo badan, roob baa inoo da’ay oo dhulkii baa qaboobay, balse roobbadan ma da’in” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale Taliye Haybe oo hadalkiisa sii watey ayaa sheegay in hadda degmada Dhoobley ay dhaq-dhaqaaq tiro-koob ah ah ka waddo hay’adda ICRC oo dhowaan uu tilmaamay in dadka ay raashiin u qeybin doonto.

“Waxaa socda dhaqdhaqaah ay ICRC ku koontarooleyso dadka, sidoo kale waxay hay’addan isku diyaarineysaa in lacag iyo raashiin degdeg ah dadka lasoo gaaraan, waxayna ku yimaadeen baaqii aan dirnay, gurmadkana waa uu socdaa” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha.

Dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana weli jirin gurmad buuxa oo ay heleen dadka abaarta saameysay.

Goobjoog News