U bood dhigaalka

Taliyahii Saldhigga Suuqa Gaalkacyo Oo Ku Dhintey Qarax Loogu Xirey Gaarigiisa

Sheeko:Dalka

Cali Ibraahim Cali  (Cali Magafe) oo ahaa taliyahii saldhigga suuqa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku dhintey qarax ka dhacay magaaladaasi.

Wararka waxay sheegayaan gaariga taliyaha uu ku qarxay dhabarka dambe ee madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland.

Qarax kadib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo markii hore dhaawac ahaan halkaasi looga qaaday taliyaha, balse markii dambe uu dhintay.

Waxaa qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ka socda howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada ammaanka.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid kasii darayey, iyadoo dilalka iyo falalka kale ee amniga ka dhanka ah ay soo kordheen.

Goobjoog News