Taliye Lagu Diley Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah,  kaasi oo khasaare geystay.

Sida ay soo sheegayaan Wariyeyaasheenna ku sugan Gaalkacyo, qaraxan ayaa waxaa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana uu isku qarxiyey goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Waxaa la xaqiijiyey in goobtaasi uu ku dhintey Taliyahii ciidamada isku dhafka Gaalkacyo ee xoogga dalka Xorreeye iyo Labo sarkaal kale, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Qaraxan oo ka dhacay xaafadda Xero siinaay ayaa kadib waxaa la maqlay rasaas badan oo kor u dhaceysa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW