U bood dhigaalka

Toonta oo Yareysa Khatarta 3 Cudur oo Halis Ah

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad cusub oo ay sameysay Jaamacadda Nottingham ayaa daaha ka rogtay in isticmaalka toonta ay kaalin ka qaadato ka hortagga iyo yareynta khatarta cudurrada Cancer-ka, Wadnaha iyo Nooca 2aad ee diabetes-ka Sonkorowga.

Sida ay qortay Jariidada “Daily Mail” ee gudaha UK ka soo baxda, Toontu waxay leedahay faa’iidooyin caafimaad, sababtuna waa sulfur compounds-ka laga helo.

Laakiin daraasaddan ayaa lagu caddeeyay inaan la garaneyn wadada ugu wanaagsan ee loo isticmaalo, waxaana illaa iyo hadda dhakhaatiirtu ka caajiseen oo aan u suuraggalin iney heleen habka ugu wanaagsan ee loo qaato, sababtoo ah waxaan la ogeyn habka uu jirku ula falgalo qaadashadeeda.

Khubaradu waxay arkeen in toontu ay hoos u dhigayso Dhiig-karka, sidaas oo kale ay leedahay maddooyin lid ku ah cancer-ka oo ka hortaga.

Anagoo arrintan tixraacayna, wadada toonta loo cuno ayaa xadidaya in laga faa’idaysto toonta iyo in kale.

Dr. Peter Rose oo ka mid ah dadkii daraasaddan ka qaybta ahaa ayaa sheegay in nacfiga lasoo sheegay ee toontu aanuu ka dhigneyn inuu ilaalo weyn oo cudurradaa lagaga hortago ay qafka siineyso, waxa ay yareynaysaa khatartooda oo qura ee si kama dambeys ah meesha ugama saareyso.

Goobjoog News