U bood dhigaalka

Weerar Qorsheysnaa Oo Ka Dhacay Tooratoorow

Sheeko:Dalka

Warar aynu maanta ka heleyno degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya inuu ka dhacay weerar qorsheysnaa oo ay fuliyeen diyaarado.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerar lagu fuliyay diyaarado oo lagu beegsaday saldhigga degaanka oo ay maamusho Xarakada Alshabaab.

Waxaa dadkii aan la hadalnay ay inoo sheegeen inuu jiro khasaare weerarka ka dhashay hase yeeshee aynaan jirin cid ogaan karta.

Dadka degaanku waxay intaas ku dareen in diyaaradaha ay cabsi galiyeen dadka shacabka ah ee halkaas ku nool, waxaana jira in diyaaradaha weerarka fuliyay ay dib uga laabteen Tooratoorow.

Alshabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku soo qaadeen ciidamo caddaan iyo madow isugu jira islamarkaana diyaarado dagaal ay kaga degteen duleedka Tooratoorow oo iyagoo lug ku socda ay dhanka magaaladaasi u jiheysteen.

Tooratoorow ayaa kamid ah degaannada ay Alshabaab kaga sugan tahay gobolka Shabeellaha Hoose waxaana muddooyinkii dambe degaannada ay Shabaabku ka maamulaan Shabeellaha Hoose ka dhacayay weerarro qorsheysan oo Maraykanku uu fulinayay.

Dowladda Maraykanka ayaa weli ka hadlin waxaase Alshabaab ay xaqiijiyeen jiritaanka weerarkaasi oo ay ku sheegeen inuu ahaa mid fashilmay oo ay iska difaaceen.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada