U bood dhigaalka

TPLF oo Eretria ku eedeysay in ay duqayn gobalka ka gaysatay

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiinta gobalka Tigrayga ayaa ku eedeyay dowladda Itoobiya in ay xulafadeeda Eretria, ay duqaymo aan loo meel dayin ay ku garaacday gobalka saacadihii la soo dhaafay.

Duqaynta oo ka dhacday goobo ay daggan yihiin dad rayid ah, ayaa la sheegay in ay ka dambeysay dowladda Eretria, oo xulafo la ah dowladda Itoobiya.

Deegaannada ay duqaynta sida gaarka ah ugu dhacday ayaa waxaa kamid ah Rama iyo Adigrat, kuwaas oo ku yaalla xadka gobalka uu la wadaago dowladda Eretria.

TPLF ayaa dhankeeda dadka shacabka ah ugu baaqday in ay dagaalka qayb ka soo noqdaan si wax looga baddallo xaaladda gobalka uu ku jiro tan iyo November 2020-kii.

Waxaa dib loo dhigay wadahadallo nabadeed oo labada dhinac la dhex dhigayay kuwaas oo uu soo abaabulay midawga afrika.

Wadahalada ayaa ka dhacayay dalka Koonfur Afrika, waxaana dib loogu dhigay arrimo cilada farsamo lagu tilmaamay oo aan faahfaahinno kale laga bixin.

Dagaalka gobolka ayaa waxaa uu qaraxay sanadkii 2021-ka, waxaana dowladdu ay sheegtay in ay soo gabagabeysay oo laga adkaaday jabhadda, laakiin waxaa soo baxaysa in weli ay ku xoogan yihiin goboladii dagaaku uu ka dhacay sanad ka hor iyaga oo markale soo rogaal celiyay, dagaalka ayaa sababay barakac ay samaynayaan dadka shacabka ah.

Goobjoog News