U bood dhigaalka

TPLF oo farriin u dirtay qowmiyadaha daga Itoobiya

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii todobaad galay dagaalka u dhaxeeya jabhadda TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya.

Dagaalka oo dib uga qarxay gobalka waqooyiga dalka Itoobiya ee Tigrayga, ayaa bilaabmay kadib markii ay fashilmeen xabad joojin labada dhinac dhextiilay.

Jabhadda TPLF, ayaa dhankeeda sheegtay in ay qabsatay magaalada Qobbo, kadib dagaal buuraha ku teedsan magaalada ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda, ayaa sheegay in xaalad bini’aadanimo ay ka jirto gobalka, waxa uuna ugu baaqay qowmiyadaha dagan Itoobiya in aysan dagaalka qayb ka noqon.

Qowmiyadaha uu baaqa u diray Reda, ayaa waxaa ku jirto qowmiyadda Soomaalida, ee daggan dhulka dowlad deegaanka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale uga digay Amxarada in ay dagaalka ka qayb galaan, isagoo sheegay in labada qowmiyadood aysan kala maarmin.

“Gobolka Tigray haddii uu dal madaxbannaan noqdo oo Itoobiya uu ka go’o iyo haddii uu Itoobiya ka sii mid ahaado intaba, wuxuu mar walba deris la sii ahaanayaa deegaanka Amxaarada oo waan is-hurannahay,” ayuu yiri Getachew Reda.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada