U bood dhigaalka

TPLF oo sheegtay in la duqayay gobalka Tigray

Sheeko:Dalka

TPLF ayaa xaqiijisay in duqaymo dhanka cirka laga geystay gobalka Tigrayga, kadib markii ay ku dhawaaqeen in ay qaadanayaan xabad joojin ka hirgasha aagga dagaalka.

Kibrom Gebreselassie, oo ah sarkaal ka tirsan ururka TPLF, ayaa sheegay in duqaynta ay ka dhacday caasimadda gobalka ee Makelle, waxaana uu sheegay in ay jiraan khasaaro ka dhashay duqaynta dhanka cirka ah ee gobalka laga fuliyay.

“Hal bukaan oo dhaawac ah ayaa soo gaaray Ayder. Wadarta khasaaraha ilaa hadda lama oga,” ayuu ku qoray Twitter-ka, Kibrom Gebreselassie.

Kooxda TPLF ayaa sidoo kale sheegtay in duqayn lala beegsaday jaamacadda Makelle, subaxnimadii shalay oo Talaado ahayd.

“Tani waxay dhacaysa kadib markii xukuumadda Tigray ay dhistay koox wadaxaajood ah waxayna muujisay inay diyaar u tahay wadahadal nabadeed,” ayuu afhayeenka TPLF Kindeya Gebrehiwot ku yiri boggisa Twitter-ka.

Itoobiya iyo qowmiyadda degta gobalka dhaca waqooyiga dalkaas ee Tigrayga, ayaa muddo ku dhaw laba sano, waxaa dagaal uu ku dhex marayaa qaybo kamid ah deegaannada dalka Itoobiya.

Goobjoog News